Number of View :69
Weeraryahankii hore Kooxda Arsenal Thiery Henry ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto Emirates markii labaad muddo laba sano gudahood ah waxaana xidigaan heerka caalami ee dalka france uu doonayaa inuu caawiyo kooxdiisii hore Arsenal oo dhibaato dhanka weerarka ay heysato markaan.
Thiery Henry ayaa kusoo laabana doona guri xushmad looga haayo kaas oo ah Emirates waxaana xidigaan heerka caalami uu ka samri la’yahay jaceylka ay u qabaan Taageerayaasha Gunners.
Macalin Arsene Wenger ayaa sidoo kale doonaya inuu mar kale la midoobo wiilkii uu soo barbaariyay ee Thiery Henry kaas oo haatan u ciyaara naadiga New York Red Bulls ee dalka Mareykanka.
Xidigaan heerka caalami ayaa haatan ku sugan xerada tababarka naad Arsenal halkaas oo uu tababar kula qaadanayo xidigaha kooxda Arsenal kuwaas oo aad ugu faraxsan muuqaalka Henry.
Wali ma dhicin wax heshiis ah mana jiraan warar xaqiiq ah oo xaqiijinaya inuu xidigaan si rasmi ah ugu biiri doono kooxda Gunners waxaana la rajeynayaa inuu bisha January yimaado Emirates.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com