555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

united oo aad u jeclaan laheed iney garoonkeed keenta laacibka sida diyaarada u xiima ee Bale.

Number of View :1161

Sir Alex ayaa daboolka ka qaaday in uu aad isugu dayay in kooxda uu ku sii jiido xidiga kooxda Tottenham Gareth Bale sanadkii 2007-da xiligaas oo uu Bale joogay kooxda Southampton ka hor inta uusan sanad iyo bar ka dib ku biirin kooxda Tottenham .

 

Waxa Alex uu xaqiijiyay in dalabkooda xiligaas ganafka lagu dhuftay sidaana ay ay ku waayeen fursadii dahabiga aheyd ee laacibkaas awooda u leh in uu ka ciyaaro baalaha ku helaan , waxa uuna Sir u arkaa Bale in uu mudan yahay in Giggs uu u badelo.

 

Bale ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha soo koraya midka ugu caansan ka idb markii sanadkii 2011-kii uu qaaday laacibka ugu wanaagsanaa horyaalka ingiriiska xiligaas oo sidii roobka oo kale dalabyo uga yimaadeen kooxaha Chelsea , Real iyo Barcelona iyadoo ay xusid mudan tahay in AC Milan aheyd kooxdii uu horeeysay ee lacibkaas ilaalsaneysay sanadkii 2010-ka xiligaas oo la bilaabay in dhanka garabka laga ciyaarsiiyo.

Sir Alex ayaa yiri ” waxaan Bale isku daynay in aan ka soo iibsano Southampton ka hor inta uusan Tottenham ku biirin , illaa maalmo ayaan isku dayeeynay balse dalabkeena waa la diiday , todobaadyo ka dibna Tottenham ayaa la soo wareegtay”.

 

Waxa uu intaa ku daray Alex ” Bale waa laacib mucjiso ah waxa uuna haystaa wado dheer oo uu ku noqon karo sida Giggs , mustaqbal fiican ayuu leeyahay”.

Waxaa xusid mudan in goolkii ugu horeeyay ee uu Bale ka dhaliyo United uu ahaa kulankii hore ee xilli ciyaareedkaan xiligaas oo uu ka qeyb qaatay gushii ugu horeeysay ee Tottenham ka qaataan guriga United tan iyo sanadkii 1989-kii.

 

madiina.net

xafiiiska wararka

muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>