555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Urur la magac baxay Somali Youth Empowerment Network (SOYEN) oo dalka Uganda looga dhawaaqay, SAWIRO

Number of View :124

Urur la magac baxay Somali Youth Empowerment Network (SOYEN) ayaa habeenkii xalay ahaa looga dhawaaqay magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo xaflad heer sare ah oo loo sameeyay ay ka dhacday Hotelka lagu magacaabo G.ONE ee magaalada Kampala.

Xafladdaas oo ay ka soo qeyb galeen ganacsato, waxgarad, madaxda ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha dalka Uganda, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dalka Uganda, Culumaa’udiin, Saxafiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Uganda ayaa waxaa ugu horreyn khudbad ku aaddan hadafka loo aas-aasay ururkaas ka jeediyay Guddoomiyaha ururkaas Haashim Axmed Cabaas oo sheegay in ujeeddada loo aas-aasay ururku uu yahay sidii wax loogu qaban lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, isla markaana loo wacyigelin lahaa dhalinyarada ku mashquulsan muqaadaraadka ee waxbarashada ka sagsaagay.

Waxa kale oo Guddoomiyaha ururkaas uu sheegay in ay wax ka qabanayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada dalka Uganda kuwaasoo loo xiro arrimo kala duwan oo ay ugu horreyso mukhaadaraad iyo falal kale, waxa kale oo uu xusay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay dalka Uganda wax ka bartaan ay u fududeynayaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee iyagoo aan xog buuxa ka heysan dalka Uganda iska soo gala kadibna dhibaato kala kulma garoonka oo ay dhacday in qaarkood dib loo celiyey, kuwo la xiray ay iyagu wax badan arrintaas ka qaban doonaan haddii uu Ilaahay idmo, wuxuuna sidoo kale sheegay in dhalinyarada doonaysa inay Jaamacadaha dalka Uganda wax ka bartaan ay u fududeynayaan arrimahaas.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo tibaaxay in ay xarumo ka furanayaan gobollada dalka Soomaaliya ayna ka shaqeynayaan sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ugu guubaabin lahaa nabadda iyo faa’iidada ay leedahay, ayna ka shaqeynayaan inay ifiyaan baahi waliba oo dhalinyaradu ay qabto isla markaana ay isku xirayaan dhalinyarada iyo dowladda dhexe iyo sidoo kale ay ka shaqeynayaan isku xirka hay’adaha maxaliga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo adeegsanaya warbaahinta.

Waxaa munaasabaddaas sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ugu horreeyay taliyaha booliska qeybta saldhiga old kampala Ojam Ring wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda ay yihiin dad walaalo ah oo is taakuleeya, xiriir fogna uu ka dhexeeyo, isagoo xusay in uu ku faraxsan yahay ururkan cusub ee ay samaysteen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, wuxuuna ku guubaabiyay madaxda ururkan inay wacyigelin badan u sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku mashquushay isticmaalka qeybaha kala duwan ee mukhaadaraadka kuwaasoo uu sheegay in ay buux dhaafiyaan xabsiyada Kampala iyagoo ku kaca falal xunxun oo aan wanaagsanayn.

 

Dhalinyarada sameeyay ururka ayuu ugu baaqay in saaxiibadooda ku mashquulsan mukhaadaaraadka iyo falalka xun xun ay ku guubaabiyaan waxbarashada, isagoo sidoo kale ugu baaqay Soomaalida in ay iska dhaafaan ku dhaqanka qabyaaladda, waayo ayuu yiri Uganda waxaa ku nool 45 qabiil oo kala duwan, kuwaasoo isugu jira Muslimiin, Gaalo iyo iyo kuwo aan Diinba heysan, wuxuuna xusay in uusan jirin qabiil qabiil kale ku mashquulsan oo mid waliba danihiisa gaarka ah ayuu wataa, kaliyana waxay ka mideysan yihiin buu yiri ilaalinta dowladda iyo qarannimada dalkooda.

“Xitaa waxaa jirta in hal guri ay kuwada nool yihiin dad wada dhashay oo kala diin ah, mana jirto wax xurguf ah oo ka dhexeeya” ayuu yiri, sidaas oo kale ayaa Soomaalida looga baahan yahay ayuu hadalkiisa sii daba dhigay inaysan ku dhaqmin qabyaaladda.

Munaasabaddaas waxaa sidoo kale ka hadlay Afhayeenka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliyeed ee dalka Uganda (PDP) Xuseen Ibraahim Nuur oo sheegay in Xisbigu uu la shaqeynayo ururkan cusub ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhisteen, isagoo siiyay tallooyin dhowr ah oo kala duwan waxtarna u leh howlaha ururku qabanayo.

Cali Aadan oo ku hadlayay magaca odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa isaguna hadal dheer ka jeediyay munaasabadda, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay isu tagaan isla markaana ay dhistaan urur ay ku mideysan yihiin, iyagoo buu yiri jooga dal ajnabi ah, wuxuuna ugu baaqay inay ka dhabeeyaan hadafka loo aas-aasay ururka ayna wax u qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhibaataysan gaar ahaan kuwa ku sugan dalka Uganda ee aan shaqada iyo waxbarashada heynin, ayna ku guubaabiyaan waxbarashada iyo aqoontooda sare u qaadaan.

Mas’uuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay munaasabaddaas ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaasha Ardayda Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalka Uganda waxayna cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegeen inay taageerayaan ururka Somali Youth Empowerment Network (SOYEN) ayna la shaqeynayaan, sidoo kalena waxay ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan mideynta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, ayna isku xiraan dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalalka dibadaha ku nool, lana shaqeeyaan cid walba oo wax u qabanaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu waxa ay ku dhammaatay si guul ah, waxayna aas-aasayaasha ururka Somali Youth Empowerment Network (SOYEN) oo ay ka mid ahaayeen Haashim Axmed Cabaas (Guddoomiyaha), C/Qani C/llaahi Faarax (Guddoomiye ku-xigeen), Amaal Saciid Maxamed (Xoghayaha Qorsheynta), C/weli Gooni (Madaxa guddiyada kala duwan ee ururka), X/guud Ismaaciil Maxmed Ismaaciil iyo Qabanqaabiyaha munaasabadda Towfiiq Bashiir Nuur ay si wadajir ah uga codsadeen dhammaan ka soo qeyb galayaasha iyo bulshada Soomaaliyeedba in ay la shaqeeyeen ururka, wixii talo iyo tusaale ay hayaan ay ku taageeraan.
2 3

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>