Number of View :110
Weeraryahankii hore ee Manchester United iyo Real Madrid Ruud van Nistelrooy ayaa sheegay inay adag tahay inuu kala xusho labada kooxood ka dib markii ay isku soo aadeen wareega 16ka Champions League.
Kulankaan ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan wareega 16ka ayaa ka dhigeysa in Cristiano Ronaldo uu markii ugu horeysay ku laabto Old Trafford ciyaaryahan ahaan tan markii uu ka soo tagay 2009kii.
Lugta hore ayaa waxa ay ka dhici doontaa Bernabeu 13ka bisha Febraayo ka hor inta aysan lugta labaad ku kulmin Old Trafford 5ta bisha March.
36 jirkaan reer Holland ayaa ka soo hoos ciyaaray Sir Alex Ferguson muddo shan sanadood ah, isagoo kooxda u dhaliyay tartamada oo dhan 150 gool, ka hor inta uusan labo horyaal oo La Liga ah la qaadin Real Madrid labo xilli ciyaareed gudaheed.
“United ama Madrid… yaan doonayaa inay badiso? Labadoodaba si hagar la’aan ah ayaan ugu soo ciyaaray. Sharaf ayay ii tahay inaan labadooda u soo ciyaaray. Macquul ma ahan inaan kala xusho. Kooxdii wanaagsan ha badiso” ayuu Van Nistelrooy u sheegay saxaafada.
madiina.net@hotmail.com