Number of View :88
Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa ku tilmaamay tababaraha Real Madrid Jose Mourinho tababarihii abid ugu fiicnaa caalamka.
35 jirkaan ayaa kula soo hoos shaqeeyay Mourinho Porto, Chelsea iyo Inter ka hor inta uusan isagana noqonin tababare buuxa.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay u leedahay casharadii uu ka soo bartay Mourinho.
“Mourinho malaha waa tababaraha ugu fiican abid” ayuu Andre Villas-Boas u yiri Lancenet.
“Inaan la shaqeeyo Mourinho waxa ay aheyd qibrad qariib ah. Waa adag tahay in la helo qof sidiisa oo kale, xirfadle u ah, rabitaan badan uu ku jiro islamarkaana aqoon badan u leh ciyaarta.
“Nasiib wanaag, waxaa uu si fiican ii baray sida loo odaraso ciyaaraha iyo kooxaha. Sharaf ayay ii aheyd inaan isaga la shaqeeyo oo aan barto qaabkiisa.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com