555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Wafdi ka socd QM , Mareykanka iyo Ingiriiska oo gaaray Kismaayo.

Number of View :450

diyaaradWararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in maanta  ay soo gaareen halkaasi  wafdi caalami ah oo isugu jiray wakiilo ka kala socday UK, USA iyo Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa markii ay ka soo dageen garoonka Kismaayo loo gudbiyay hoolka shirweynaha Jaamacada Kismaayo halkaas oo ay kula kulmeen ergadii soo dooratay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wafdigaan ayaa la shegay in ay qiimayn ku samayn doonaan xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo sida ay suurta-gal u tahay in mashaariic horumineed iyo bini’adannimo laga hirgeliyo deegaanka.

S ikastaba wafdiga ayaa haatan la sheegay in xarunta madaxtooyada ay qado kula leeyihiin madaxweynaha dhawaan loo doortay maamulka Jubba-land iyo ku xigeenkiisa.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco .

madiina.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>