555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Wafdi ka socda baarlamaanka dalka Burundi oo maanta gaaray magaalada Muqdisho

Number of View :136

Waxaa barqanimadii maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wafdi ka socday baarlamaanka dalka Burundi oo ay soo dhaweeyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho markii ay soo degaan wafdiga kula hadllay xog-hayaha joogtada ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Max’ed Axmed Kulane oo ka warbixiyay ujeedada socdaalka wafdiga.

Xildhibaannka ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay imaanshaha magaalada Muqdisho xubnaha ka socda gudiga difaaca baarlamaanka wadanka Burundi wuxuuna tilmaamay in booqashadani ay muujineyso xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Burundi oo soo jireen ahaa,

Xog -hayaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu casuumaad rasmi au u fideyey waftiga ka socda wadanka Burundi.

Wafdiga ayaa qeyb ka noqonaya wafuud heer caalami ah oo tan iyo markii la dhisay dowladda cusub gaarayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha difaaca baarlamaanka dalka Burundi oo wafdiga horkacayay ayaa sheegay dhiniciisa in isaga iyo wafdigiisaba ku faraxsan yihiin booqashadooda Muqdisho wuxuuna ballan qaaday in dalka Burundi uu sii wadi doono taageerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya.

Burundi waxaa ay ka mid tahay dowladdaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ka qeyb-qaadaneysa howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Comments are closed.