Number of View :50
Waxaa goordhow oo maanta ah ka baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo saraakiil ciidan kuwaasoo ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wafdigani maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inay gaaraan Magaalada Baydhabo, waxaana wafdigani marka au gaaraan Magaalada Baydhabo la filayaa kulamo inay la qaataan saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Bay iyo Bakool iyo sidoo kale saraakiisha AMISOM iyo Itoobiya.
Wafdigan uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ayaa socdaalkooda waxaa uu la xiriiraa bixinta mushaharka ciidamada ku hawlgala magaca dawlada ee ku sugan gobolka Baay kuwaasoo ka barbar dagaalama ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gobolka.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada dawlada magaceeda ku shaqeeya, waxaana bixinta mushaharkan uu ku soo beegmay labo maalin ka dib markii baarlamaanka uu ogolaaday miisaaniyada cusub ee dawlada ee sanadka 2013 taasoo wax xoogaa kharash kordhin ah loogu sameeyay wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha bulshada.
Wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena danbe insha allah
madiina.net@hotmail.com