Number of View :86
Waxaa daqiiqado kahor qarax miino lagula eegaty gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowlada Soomaaliya agagaarka Kulyada Jaala Siyaad ee Wadada warshada ee Magaalda Muqddisho.
Qaraxa ayaa lasheegay in uu haleelay gaarigii lala bar tilmaameedsaday, iyada oo ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay ku waramayaan dadka deegaanka oo lasoo xariiray Shabkadaan Allbanaadi.com.
Goob joogayaashu waxa ay xaqiijinayaan in Cabdi Bilihii oo burbursan halkii qaraxa lagula eegtay laga qaaday kadib markii gurmad uu gaaray goobtaasi, iyada oo ciidamo kasoda dowlada Soomaaliyana ee goobta isku gadaameen halkaasi oo la arkayay iyaga oo ka daadgureynaya dhaawacyada askarta dhaawacantay.
Qasaaraha inta uu la ekyahay wali lama garanayo hasa yeeshee waxaa ila wareedyadu ay intaa ku darayaan in ciidamo badan oo halkaasi gaaray ay bilaabeen in ay rasaas kor u ridaan, iyaga oo gudahana u galay xaafadda Raadeel ee degmada Deyniille oo ku dhaw halka wax ka dheceen iyaga oo baaritaannana halkaasi kabilaabay.
Lama sheegin wali dad ay ku soo qab qabteen baaritaankaasi, waxa ayna sheegayaan dadka deegaanku in inta badan xaafadahaasi dadkii ku sugnaa ay baneeyeen kadib markii baaritaanku bilaawaday iyada oo laga cabsi qabo in dad badan ay ciidamadku ku raafaan howl-galka.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho
madiina.net@hotmail.com