Number of View :194
Waxaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Qarax Xoogaan oo Laga wada maqlay Bartamaha Magaaladda.
Qaraxa oo Xooganaa ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidamada Booliska magaaladda Gaalkayo,waxaana fuliyey nin Isa soo miidaamiyey oo watey gaari laga soo buuxiyey Walxa qarxa.
Wararku waxay sheegayaan in Qaraxa lala beegsaday Taliyaha Saldhiga Warshad Galey,iyadoona meeshaba uu ku gubtay Gaariga Taliyaha,kan is qarxiyey iyo mid Shacab leeyahay. Ciidamada amaanka magaaladda Gaalkacyo oo soo gaaray goobta Qaraxu ka dhacay ayaa bilaabay in dadka ka celiyaan goobta,iyagoona bilaabay baaritaan kala duwan.
Sidoo kale Wararka qaar ayaa ku waramaya in Qaraxa Gaariga lala beegsaday uu ku jiray Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Puntland Col Muxiyadiin Axmed Muuse,waxaana jirin faah-faahin rasmi ah oo laga heli karo khasaaraha Qaraxa.
Taliska Ciidamada ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay ka hadlaan Qaraxa lagu weeraray Taliyaha Saldhiga Warshad Galey,waxaana weli kacsan xaalada magaaladda oo si weyn looga dareemay Qaraxa
madiina.net@hotmail.com