555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

War deg deg: Ra’iisul Wasare Saacid oo goordhow u ambabaxay Magaalada Baladwayne

Number of View :182

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Wafdi uu hor kacayo ayaa goordhow u ambabaxay Magaalada Baladwayne e xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirrada Gaashaandhigga,Arrimaha Gudaha,Kheyraadka, wasiir ku xigeennada Warfaafinta,Gaashaandhigga saraakiil ka kala tirsan ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaanna walaalaha Jabuuti.

Waxaa la filayaa Ra’iisul Wasaaruhu inuu la kulmo shacabka ku dhaqan Magaalada Baladwayne iyo Maamulka dowladda Soomaaliya, waxana la filayaa inuu halkaasi kula hadlo shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena danba insha allah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>