555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Warar hoose oo sheegaya in Arsenal saacadaha soo socda ay 13.5 Millyan ku qaadan rabta David Villa

Number of View :967

sida uu xaqiijiyey webka ku caan baxay ka hadlida arrimaha Sportska ee Goal.com, waxaa jiro heshiis rasmi ah oo dhex maray kooxaha Arsenal iyo Barcelona, Heshiiska oo qeexaya in David Villa uu ku biiro doono Arsenal, ayna bixiso qiimo lacageed oo gaaraya ilaa 13.5 Million.

warkaan oo aah weli si rasmi ah loogu dhawaaqin, haddana waxaa jiro warar hoose oo arrintaas ku saabsan, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku biiro kooxda Arsenal.

Suuqa kala iibsiga ayaa waxaa ka dhiman 2 maalin iyo saacado, ilaa haddana ma jiro laacib ay si rasmi ah ula soo wareegtay Arsenal, Laakiin Macalin Wenger ayaa taagerayaasha Arsenal ku qaniyey inuu daqiiqadaha ugu dambeeya suuqa kala iibsiga uu wacadaro dhigi doono uuna kooxda Keeni doono Laacibiin tayo leh.

 

David Villa ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay laacib tayo badan inkastoo uu da’ yahay haddana waxaa la filayaa inuu kooxda Arsenal wax fiican u qaban doono kuna soo kordhiyo waayo aragnimo.

madiina.net

xafiiska wararka ciyaaraha

muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>