Number of View :73
Iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu wali ku xiran yahay Wariye C/asiis Ibraahin Koronto oo ka mid ahaa Wariyaasha Dalsan Raido ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta saacadaha soo socda lagu wadaa in maxkamada Maamulka Gobalka Banaadir lasoo taago.
Wariye C/asiis Ibraahin ayaa waxaaa dhowaan loo gudbiyey Xabsiga Dhaxe ee magaalada Muqdisho isaga iyo haweeney la sheegay inuu wareystay,hase ahaatee waxaa maxkamadeyntiisa la sugaba halka ay u dhaceyso maanta ayaa lasoo taagaya Maxkamada Maamulka Gobalka Banaadir.
Dowlada Soomaaliya madaxdeeda ayaa siyaabo kala duwan uga hadley Xariga Wariye C/asiis Ibraahin,waxaana qaar ay ku baaqeen in lasii daayo Wariyaha hadii uusan danbi laheyn halka qaar kalena ku baaqey in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno Wariyaha oo u xiran Dowlada Soomaaliya.
Maxkamada maanta saacadaha soo socda lasoo taagayo Wariye C/asiis ayaa waxaa aad u sugaya dhamaan Ummada Soomaaliya iyo waliba Hayadaha u dooda xaquuqa Aadanaha,maadama Wariyaha Xarigiisa dal iyo dibadba aad looga canbaarayay,hase ahaatee waxaa laga war dhowrayaa maanta sida ay wax u dhacayaan. Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya. Warar kale oo la xariira Rayiisul wasaaraha oo ku baaqey in lasii daayo Wariye Xiran
madiina.net@hotmail.com