555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Wasaarrada gaashaandhiga oo sheegtay in aysan war u heynin weerarkii Faransiiska ee Buula-mareer

Number of View :102

Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya cambaareyn dusha uga tuuray weerarkii ay dowladda Faransiiska ku qaaday habeen hore deegaannka Buula-mareer ee gobollka Sh/hoose.

Waxaa uu sheegay wasiirrka in marnaba dowladda Soomaaliya ogolaan doonin howlgal noocaas oo kale ah laga fuliyo gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay cambaareyn dusha uga tuurayaan weerarka ay soo qaadeen ciidamada kumaandooska Faransiiska.

“Runtii howgalka ay ciidamada kumaandooska Faransiiska ka fuliyeen Buulo-mareer laguma soo wargelin dowladda Soomaaliya, waana ka xunnahay in howlgal noocaas oo kale ah oo aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya ay dowlado shisheeye ka fuliyaan gudaha dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirrku waxaa uu tacsi u dirray sida uu hadalka u dhigay dadkii rayidka ahaa ee ku dhinta weerarka, kuwaasoo uu sheegay in ahaayeen labo ruux.

Waxaa uu sheegay in dowlad kasta oo dooneysa in ah howlgal noocan oo kale ah ka fuliso Soomaaliya looga baahan yahay in ay ku soo wargaliso dowladda Soomaaliya, madaama laga baxay ayuu yiri xiligii ku-meel-gaarka.

Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa fadhi ay ku yeesheen magaalada Muqdisho saacado kadib markii uu weerarkaasi dhacay, waxaa ay ku cambaareeyeen weerarka, iyaga oo sheegay in uu ahaa dulaan xaad gudub ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>