Number of View :62
Wasiirka arimha dibada Soomaaliya, ahna R/wasaare xigeen, Fooziya Xaaji ayaa waxa ay Magaalada Rome kulan kula qaadatay masuuliyiinta hey’adda cunnada aduunya (WFP) halkaasi oo ay ugala hadashay sida ugu haboon ee Soomaalida ay u gargaari karaan.
Fooziya ayaa waxa ay kulankaasi kadib sheegtay in WFP ay ku war gelisay in hadii ay doonayaan in Soomaaliya ay caawiyaan aysan raashin dibadda uga keenin ee ay ka iibsadaan gudaha dalka Soomaaliyeed si gargaarkaasi uu u noqdo mid ruux kasta gurigiisa ugu taga.
Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digtay in hadii arintaasi ay oofin waayaan ay horseedi doonto in uusan wanaagsanaan qaabka ay WFP ula sahqeyn karto dowlada Soomaaliyeed.
Horay ayaa wasiirka horumarinta arimaha bulshada ay amar ugu siisay hey’adaha gargaarka in ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowlada oo wixii loo baahanyahay ay gargaar ahaan u keenaan ee waxa ay hey’aduhu rabaan aysan Soomaalida ku dhaqin.
WFP ayaa waxaa lagu yaqiin in ay Soomaaliya keento Galey Cagaartooy iyo mesego lagu soo aadinayo xilliga beeraheenna ay soo go’aan halkaasi oo ay ka dhalaneyso niyad jab ku yimaada dadkii beeraha tabacan lahaa maadaama dalagii dalka kasoo baxay uusan qiima yeelaneyn.
Beeraley badan oo ku qasaaray dadaal ay geliyeen beeraha Soomaaliya ayaa waxa ay go’aansadeen in aysan mar danbo tacbin beer maadaama aysan faa’iida ka heleyn oo WFP ay qasaarineyso mar waliba, waxaana amarkaan wasarada arimaha dibada ay siisay hey’adda cunnada aduunyada uu keenayaa in tacabkii beeraha Soomaaliya uu soo kobco.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com