Number of View :46
R/wasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo gaba gabeysay socdaal shaqo oo sedexdii cesho ee la soo dhaafay ku joogtay Magaalada Roma ee Xarunta dalka Talyaaniga ka di bmarkii ay casuumaad ramsi ah ka heshay dhigeeda dalka Talyaaniga.
Marwo Fowsiyo oo intii ay joogtay Talyaaniga la kulantay Wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga, iyo wasiirka cadaalada iyo garsoorka, iyada oo sidoo kale soo booqatay guriyhii iyo xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo gabagabada socdaalkeeda wareysi siisay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay soo aragtay afar ka mid ah guryihii Soomaaliya ku laheyd dalka Talyaaniga, sidoo kalana ay la kulantay jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka talyaaniga oo ay ka dhageysatay darenkooda, isla markaana y gaarsiisay fariinta madaxda Qaranka.
’’Guryihii aanu laheyn waan soo arkay afar ka mid ah waxaa iiga muuqday dayac xoog leh iyo dhibaato soo gaartay, hadana waxaan ku jirnaa sidii dib loogu soo hagaajin lahaa’’ ayey tiri Marwo Fowsiyo oo intasi raacisay inta badan guryihii Soomaaliya ugu yiilay dunida ay dayacan yihiin ayna sabab u tahay dhowr iyo labaatanka sano ee dowlad la’aanta ah.
’’ waxaan xaqiiqsaday oo indhaheyga ku arkay in guryaheena jajaban yihiin, waxaan sidoo kale xaqiiqsaday in Safiirka mas’uul ka yahay hantida qaranka uuna badbaadinaayo, isla markaana ilaalinayo danta qaranka iyo howsha uu u xilsaaran yahayna waan soo arkay’’ ayey tiri R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale ka hadashay kulankii ay la yeelatay Wasiirada cadaalada ee dalkan Talyaaniga iyada oo kala hadashay sidii loo sii deyn lahaa dad Soomaaliyeed oo ku xerxeran xabsiyada dalkan talyaaniga iyo arimaha garsoorka iyo sida talyaaniga uu kaalintii uu horay ugu lahaa arimaha cadaalada u soo celiyo maadaama Talyaaniga uu horay uga caawin jiray soomaaliya dhinaca cadaalada.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo ayaa soo gaba gabeeysay socdaalkii ay ku mareysay dalalka Uk iyo Italy.
C/raxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi)
Email: xudeyfi4@hotmail.com
madiina.net@hotmail.com