Number of View :84
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka oo maalintii shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay Maamul u sameynta Gobolada jubbooyinka.
Cabdikarin Xuseen Guuleed Wasiirka ayaa xusay in dawladda federaalku aysan magacaabi doonin Maamul maamulada Gobaladana ay ka imaan doonaan rabitaanka Shucuubta ku dhaqan Goboladaas.
Cabdikariin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Dawladdu ay soo dhaweyneyso Maamul u samaynta Goboladaas balse aysan dhici doonin Governatoore Muqdisho laga soo magacaabo.
Guuleed ayaa farta ku fiiqay in ay la Xisaabtamayaan Guddoomiyayaasha loo soo magacaabo Maamuladaas wixii dhibaato oo uu gaysanayaana ay ka hor tagayaan.
Cabdikariin Guuleed Wasiirka ayaa sheegey in Mas’uulkii xilkiisa guta gaar ahaana Guddoomiyayaasha iminka jira aanay dawladdu bedelayn isla markaana mas’uul walba lagu qiimeyn doono wax qabadkiisa.
Wafdigan Golaha wasiirada oo maalinimadii shalay gaaray Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in kulamo ay la qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada isla markaana mudada ay halkaa joogaan ay u kuur galayaan xaaladaha ka jira Degaanada Bay iyo bakool.
Wasiiradan ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la qaadanayaan Maamulada gobolada Bay iyo Bakool iyagoona kala hadlaya sidii dib loogu soo celin lahaa ammaankii degaanada ay gacanta ku hayaan.
Si kasta ha ahaatee Wasiiradan ayaa iminka waxa ay ka wadaan Degmada Baydhabo kulamo ay la qaadanayaan Mas’uliyiinta Maamulka goboladaas iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada.
madiina.net
xafiiska muqdisho
warar xaqiiqo ah
madiina.net@hotmail.com