Number of View :55
Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda deegaanada Bay iyo Bakool oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi kulan kula qaatay Qaar kamid ah wax garadka ku nool Magaladaasi.
Wafdiga ayaa waxaa ay kulan kula qaateen gudaha Magaalada Baydhabo Masuuliyiinta Maamulka Magaalada iyo qaar kamid ah wax garadka ku dhaqan Magaladaasi, waxaana ugu horayn wasiirka ugu warbixiyay waxyaabaha uu ku saabsanyahay ujeedka safarka ay ku yimaadeen Magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay sidoo kale qayb inay ka tahay ujeedka safarkiisa in Ciidamadda Qalabka sida ee ku sugan gobolka sidii loo dhiiri galin lahaa mushaarkii ay lahaayeena loo siin lahaa.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inta uu ku sugan Yahay Magaalada Baydhabo isaga iyo Wafdigiisa inay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Baydhabo iyo Maamulka Magaalada si loosii xoojiyo amaanka iyo dagaalada lagula jiro kooxda Al-shabaab.
madiina.net@hotmail.com