555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

wasiirka gaashandhiga france oo sheegay in askari uga maqan yahay deegaanka buulo mareer

Number of View :352

Wasiirka difaaca Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in ay mid ka mid ah Askartooda uu kaga maqan yahay Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaa Hoose, waxaana wasaarada ay sheegtay in askarigaasi uu ka mid ahaa ciidamo badan oo habeen hore howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadaasi.

Le Drian oo ah wasiirka Gaashaandhiga Faransiiska ayaa qiray in askari ka mid ah ciidamadooda uu kaga geeriyooday Buulo Mareer, sidoo kalana uu geeriyooday la heystihii ay ciidamada Faransiiska furan rabeen, wuxuuna wasiirka shaaciyay in howlgalkaasi uusan u dhicin sidi la rabay.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, isagoo xusay inay damacsanaayeen inay ku soo furtaan la heystaha u dhashay faransiiska, balse nasiib daro uu ku tilmaamay in uu geeriyooday la heys220px-Rennes_-_6_mai_2012_JY_Le_Drian-02_(cropped)tihii ku jiray gacanta Alshabaab.

Le Drian oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 17 dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa guriga lagu heystay muwaadinka faransiiska, wuxuuna wasiirka qiray in dagaal culus lagala horyimid.

Alshabaab oo shalay Bayaan soo saaray ayaa sheegay in Ciidamada Faransiiska ay ku fashilmeen furashada muwaadinkaasi Faransiiska ah, waxayna Alshabaab sheegeen inay hayaan Meydka Askari ka tirsan Askarta Faransiiska ee ay dagaalka ku dileen.

Dowlada Faransiiska ayaa isku dayda markasta inay awood ku furato dadka laga qabsado, waxaana tani ay u tahay cashar ciidamada faransiiska, maadaama ay ku waayeen askari iyo lahaystihii.

madiina.net

xafiiska wararka muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>