555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaliya oo Turkiga u dhoofay

Number of View :191

Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa maanta ka ababaxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Turkiga.

Wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo uu safarkiisa ku wehliyo taliyaha ciidamada xoogagga dalka Soomaaliya Jen C/qaadir Shiikh Cali Diini, iyaga oo halkaa uga qeyb-gali doono shir sida la sheegay socon doona mudo labo cisho ah oo looga hadlli doono sidii uu caalamka Soomaaliya uga taageeri lahaa dhinaca amniga.

C/xakiin Fiqi oo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda Turkiga lagu casuumay sarkaal kala duwan oo ka socda caalamka, isaga oo sheegay in xoogiisa looga hadli doono qorshayaal la xiriira taageerada iyo tayeeynta ciidamada qalabka sida.

Maalintii shalay uun ayuu wasiirrku dib ugu laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka soo safar shaqo oo uu ku tagay dalalka Kenya iyo Uganda oo uu kula soo kulmay wasiirrada difaaca dalalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>