555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Madaxtooyo

Number of View :119

Wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya uu ahaa mid fashilmay.

Wasiirrka ayaa sheegay in qof is qarxiyay sida uu hadalka u dhigay uu ka tirsanaa raggii horay uga soo goostay xoogagga Al-shabaab, markii danbana ka mid noqday ciidamada nabad-sugida dowladda Soomaaliya, laakiin ma uusan sheegin ama bixin faah faahin intaa ka badan.

Wasiirku ma uusan sheegin shaqsiga is qarxiyay magaciisa, laakiin waxaa uu sheegay in ay faah faahin intaa ka badan ka sugayaan laamaha amniga dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda nabad-sugida.

Qofkan ayaa la sheegay in uu saakay isku dayay in uu gudaha u galo xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, islamarkaana ah goobta uu ra’iisal wasaaraha ku nool yahay ee guriga ah, laakiin waxaa la sheegay in ay ka soo celinyeen ilaalada guriga ra’iisal wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyay in ay si aan ka fiirsi laheyn markiiba ciidamo ugu qorato dhalinyarrada ka soo goosata kooxda Al-shabaab ee isku soo dhiibta dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>