555818_10200199915994354_1179776526_n 548369_10201180353965830_1185501263_n
SOMALI LINKS

wenger oo doonaya inuu soo xero galiyo david villa

Number of View :123

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Barcelona David Villa, sida ay qortay Daily Mail.

Arsene Wenger iyo shaqaalihiisa kooxda ayaa ka wadahadlay inay Janaayo u dhaqaaqaan David Villa, iyadoo weeraryahanka uu sannado badan diirada u saarnaa Gunners.

Gunners ayaa dooneysa inay 31 jirkaan amaah ku qaataan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo heshiiska amaahda lagu darayo fursad ah inay si joogta ah u la wareegaan taasoo ku xirnaan doonta sida uu u la qabsado Premier League.

Laakiin hadii qiimo ay aqbali karaan ay ku helayaan, waxa ay Arsenal dooneysaa inay bisha Janaayo si joogta ah u la soo wareegaan.

Warar ka soo baxaya Spain ayaa tibaaxaya in Barcelona laga yaabo inay iska fasaxdo Villa, madaama uusan boos joogta ah ka heysan kooxda.

Wenger ayaana haatan ka sii fiirsanaya ciyaaryahankii uu ku adkeyn lahaa weerarkiisa.

Klass-Jan Huntelaar, Adrian Lopez iyo Edin Dzeko ayaana u ku liiska Wenger, halka Thierry Henry uu isna yahay dooq kale oo amaah ay ku soo qaadan

madiina.net

xafiiska wararka ciyaaraha muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>