Number of View :53
Waxaa Maalinti sadaxaad xabsiga ku jira Wariye C/casiis C.nuur Ibraahim oo ka tirsan shaqaalaha Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay xabsiga dhigeen Saraakiil ka tirsan Hey;ada Dambi Baaerista Soomaaliya.
Maamulka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho oo xiriir la sameeyay Taliska Dambi Baarista ayaa sheegay inay u sheegeen saraakiisha Taliskaasi inaysan ka warqabin halka uu ku sugan yahay wariyaha oo marki hore uu u yeeray Taliyaha Hogaanka Dambi Baarista C/laahi Xasan Bariise.
Maamulka Idaacada Dalsan ayaa xaqiijiyay in C/casiis C/nuur Koronto oo xanuunsaya uu ku jiro gacanta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo aysan garaneynin xabsiga lagu hayo, waxaana ka dambeeyay xariga Wariyaha Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye.
Dacwada lagu xiray wariyaha ayaa ah mid aan waxba ka jirin sida uu qabo Dhibane Wariye C/casiis Koronto oo ku jira Xabsi aan la aqoon halka uu kaga yaalo Magaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka iyo siroonka ayaa la kala wareegay Wariye C/casiis Koronto, waxaana 10 Bishan aan ku jirno looga yeeray wariyaha xarunta Dambi Baarista, iyadoo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed ay xili Habeen ah kala baxeen xaruntaasi, iyadoo aan la aqoon halka ay u wateen iyo xabsiga ay ku xireen.
Xaalada C/casiis Koronto ayaa la sheegayaa inay tahay mid aan wanaagsaneen, waxaana jiray xanuuno uu ka tabanayay wariyaha, iyadoo Dowlada Soomaaliya ay ugu dartay xabsi aan cid ku booqan karin.
Ugu dambeyna Maamulka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la soo daayo wariyaha, maadaama ay warbixinta uusan bixin.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com