Number of View :53
Xaaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Wesley Sneijder ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer Holland uu ka tagi doono Inter bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
“Waxaan ka tageynaa magaalada Milano” ayuu Yolanthe Cabau u sheegay saxaafada Holland.
“Wax walba waxaa la gaari doonaa maalmaha ugu horeeya ee bisha Janaayo.
“Halkee ayaan tagi doonaa? Waxaan haatan raadineynaa meesha u fiican qoyskeena. Xilligan la joogo, kama fekerayo mustaqbalkeyga shaqo” ayay tiri aktaradan uu qabo Sneijder.
Sneijder ayaa muran dhanka qandaraaska kula jiray Inter ka dib markii uu diiday in 2 milyan euro laga dhimo mushaharkiisa sannadlaha.
Uma ciyaarin kooxda horyaalka Serie A tan iyo kulankii isbuuca 5aad ee ay ka badiyeen Chievo, markii hore waxa uu ku maqnaa dhaawac ka dibna waxaa kooxda looga saaray muran qandaraaska darteed.
Sneijder ayaa loo ogolaaday bilowgii isbuucaan in fasax uu iska galo, inkastoo kooxda xilligaas ay kooxda u harsaneyd labo kulan ka hor inta Serie A aysan galin fasaxa qaboobaha.
Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaa waxaa lala xiriirinayay kooxda PSG iyo sidoo kale labada kooxd ee Manchester.
madiina.net@hotmail.com