Number of View :64
Wakiilka xarakada Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Shiikh maxamed Abuu cabdlla oo la hadlay war baahinta ku hadasha afka Xarakada Shabaab ayaa ka hadlay Duulaankii Ciidamada kamaandooska Farabsiisku ku qaadeen Degaanka Buulo Mareer ee Gobilka Shabeelaha Hoose.
Abuu Cabdalla ayaa sheegay in Faransiisku Waalidiin badan ay manta ka Murugaysan yihiin dhibaatadii soo Gaartay Waalidiintooda halka Dadka Islaamkana ay ku faraxsan yihiin Daanadii gaadhay Ciidamadii faransiiska ee Duulaanka ku soo qaaday Degaanka Buulo Mareer.
Wakiilka Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo sii hadlay ayaa intaa ku daray in ay ka aar gudan doonaan isla markaana ay ku beegsan doonaan meel walba oo ay kula kulmaan Cadowga Alle iyo Gaalada waa siduu hadalka u dhigaye.
Abuu cabdlla ayaa sheegay in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo Muslim ah oo dhibaato ay ka soo gaadhay Duulaankaas hase yeeshee intii karaankooda ah ay wax u qabanayaan Dadkii ku dhibaatoobay Duulaankii faransiisku ku soo qaaday Degaanka Buulo Mareer.
Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada kumaandooska Faransiiska ay weerar ku qaadeen goob sida ay filayeen lagu haystay la hayste u dhashay faransiiska oo muddo u af duubnaa Xarakada Shabaab si ay xoog ugu soo furtaan hawl galkaas oo ku danbeeyay Fashilaad.
Hadalkan Wakiilka Shabaab ayaa imaanaya xilli Maalinimadii shalay ahayd Maamulka Shabaab ee degaanka Buulo Mareer kaalmooyin ay gaarsiyeen Dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay weerarkaas iyagoona ballan qaaday in ay la soconayaan Xaaladda Nololeed ee Dadkaas.
Si kasta ha ahaatee xarakada Shabaab ayaa dhawaan sheegtay in Xukun dil ah ay ku fuliyeen la haystihii dhibta horseeday in kastoo Saraakiisha faransiisku hore u sheegeen in la haystihii uu dhintay intii ay socdeen hawl galadii lagu doonayay in lagu soo Furto Mr Denis Alax.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho – somalia
madiina.net@hotmail.com