Number of View :243
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa shalay kooxa diidan ama kabiya diidan siyaasada dowlada waxa ay kusoo dhaweeyeen mudaaharaad ay sii qorsheesteen kaas oo ay ku muujinayeen waxa ay ka aaminsanyihiin hogaanka dalka.
Kooxada mudaaharaadka dhigayay ayaa waxa ay isugu soo bexeen Minisota halkaasi oo madaxweynuhu uu kula hadlayay jaaliyada Soomaalida, waxaana madaxweynuhu markii lagu war geliyay in mudaaharadka isaga looga soo hor jeedo uu sheegay in ay wax lagu farxo tahay in mudaaharaad lagu muujiyo cabashada, ayna arintaasi ay daliil u tahay in laga tegay fowdadii.
“Waxaa wax lagu farxa ah in boorar iyo mudaaharaad lagu muujiyo wixii latabanayo, waana soo dhaweyneynaa. In qoray wax lagu raadiyo waa laga gudbay. Inaguna cabashadaasi hadii ay tahay mid sax ah oo gardarro aan yeelanno waa kagaliimeynaa”, sidaa madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay.
Qolyaha Mudaaharaadka dhigayay oo kasoo jeeda gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen, “Damul Jadiid doonimeyno. Dastuur jebiyow doonimeyo. Waxaan dooneynaa in madaxweynuhu uu dastuurkii lagu soo doortay uu u hogaansamo”.
Dhaliisha ay sheeganayeen ayaa waxa ay aheyd in dowlada hada jirta ay ku hor gudbantahay in maamul gobaleed ay sameestaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, hasa yeeshee waxaa xusid mudan in guddi wasiirra ah oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo tegay gobaldaasi ay shacabka kunool u balan qaadeen in ay maamulada gobaldooda u madax bananyihiin.
madiina.net
xafiiska wararka
muqdisho somalia
madiina.net@hotmail.com