Number of View :61
Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollka Gado ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen dagaalyahanno horay uga tirsanaa Al-shabaab oo gaaraya ilaa 20 dagaalyahan.
Afhayeen u hadllay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobollka Gado oo lagu magacaabo Aadan Xirsi Rufle ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku soo dhiibeen ilaa 20 dagaalyahan oo iskood uga soo goostay kooxda Al-shabaab, kadib markii ay ku qanci waayeen falalka guracan oo ay kula kacayaan shacabka.
‘’Hadda waxaa ay ku sugan degmada Garbahaarey amaankoodana annaga ayaa gacanta ku heyna siweynna waa loo dhaweeyay, waxaa ka mid ah oo ku jira ragga isa soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ee gobollka Gado,’’ ayuu yiri Aadan Ruflle.
Waxaa uu sheegay in mar walba maamulka gobollka Gado soo dhaweynayo dhalinyarrada ka tirsan kooxda Al-shabaab haddii ay gartaan in ay isaga soo haraan kooxdaas.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ay saraakiisha dowladda ee gobolka Gado sheegaan in ay isku soo dhiibeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, laakii horjoogayaasha Al-shabaab ee Gado wali arinta wax war ah kama aysan soo saarin.
madiina.net@hotmail.com