Number of View :199
Weeraryahanka Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa aaminsan in Mario Balotelli uu muhim u yahay fursad kasta oo Manchester City ay u heysato inay difaacato horyaalka xilli ciyaareedkan.
31 jirkaan ayaa labo sanno ka soo garab ciyaaray Mario Balotelli intii ay wada joogeen Inter Milan, laakiin iyadoo City ay haatan 7 dhibcood ka danbeyso kooxda hogaanka heysan ee Manchester United, waxaa yaraaday fursadii uu boos joogta ah ku heli lahaa sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa oo xumaaday iyo dhaawacyo.
“Hadii aad waligaa wax waqti ah la qaadatay Mario markaas waad jeclaaneysaa Mario” ayuu Ibrahimovic u sheegay Daily Mail.
“Inkastoo uusan aheyn ciyaaryahanka uga sahlan ee uu tababare maareyn karo, hadana la hadal tababarayaashiisii hore sida Jose Mourinho waxa ay ku sheegayaan marka aad la shaqeyneyso Mario in mar walba aad dhoola cadeyneyso.
“Waa ciyaaryahan Special ah islamarkaana leh tayo gaar ahaaneed. Marka uu Mario u ciyaarayo sida uu awoodo, waxa uu dhaawaci karaa koox kasta oo adduunka ah.
“Manchester City durbaba wax badan ayay ka danbeysaa Manchester United horyaalka Premier League, laakiin hadii uu jiro ciyaaryahan koobka u difaaci kara waa Mario.
“Inta ciyaaryahano sarsarre ee ay Manchester City heysato waxaana dhihi lahaa Mario ayaa ah ninka awooda taas.”ayuu hadalkiisa ku so gabagabeeyey ninka dheer ee imrahimovic.
madiina.net
madiina.net@hotmail.com